4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2017
Ciidamo gadood ka sameeyay degmada Buula-burte

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Wararka ka imaanaya degmadda Buuloburte ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in ciidamo ku xareysnaa xero military oo ku taalla degmaddaasi, ay isaga tageen xeradda, kadib markii ay sheegeen in aan wax mushaar ah la siin mudo bilooyin ah.

Ciidamada gadooday ayaa qaarkood xiray, sida la sheegay waddooyinka waaweyn ee degmada Buuloburte, halka qaarkoodna ay soo aadeen magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale warar aan heleyno, ayaa sheegaya in ciidanka uu tababarka waqti hore uu usoo idlaaday, ayna mudo raadinayeen in xuquuqdooda la siiyo.

Beryihii lasoo shaafay, waxaa soo badanayay ciidamadda gadoodsan oo banaanbax ku raadinaya xuquuqda ay dowladda ku leeyihiin.

Maamulka Hiiraan, wali kama uusan hadlin.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia