4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2017
Erdogon oo booqasho ku imanaya magaalada Muqdisho

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Dowladda Turkiga, ayaa la filayaa in bisha soo socota ee April, ay xariga ka jarto saldhig Military oo ay ka dhisatay magaaladda Muqdishu, sida uu qoray Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa magaalladda Istanbul.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan, iyo Taliyaha Milliteriga Turkiga, Kholousy Ascar, ayaa lagu wadaa in booqasho ay ku yimaadaan magaaladda Muqdisho, xariggana ka jaraan saldhiga.

Saddex Dugsi Tababar Milliteri ah, ayuu leeyahay saldhiga waxaana uu qaadi karaa 1,000 askari, waxaana lagu qarash gareeyay 50-million oo Dollar, sida warbixin ay sheegtay.

Dhismaha Saldhigga Milliteri ee Turkiga waxa uu bilowday sannadkii 2015-kii.

Dowladda Turkiga ayaa ah saaxiibka aadka ugu dhow Soomaalidda, marka loo eego wadamadda kale ee xiriirka la leh dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia