4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2017
Qof lagu dhax toogtay garoonka diyaaradaha magaalada Paris

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) -Saraakiil Faransiis ah ayaa sheegay in nin askari ka dafay qori lagu toogtay garoonka Orly ee magaalada Paris.

Ciidanka nabadgelyadu waxay ninkaa dileen kaddib markii uu qoriga ka qaatay askarigaas oo joogay qaybta koonfureed ee garoonka.

Garoonka diyaaradaha ayaa la xidhay dhacdadaa kaddib, oo maamulka garoonka waxa uu sheegayaa in ay ahayd mid aad u khatar ah, rakaabkii la socday diyaaradihii markaa uun soo cago dhigtayna waxa lagu wargeliyey in aanay soo dhaadhicin.

Waxaa haatan garoonka ka socda hawl gal nabad gelyo oo ay wadaan khubarada baadha bambooyinka iyo booliska oo iyaguna goobaya hadii ay jiraan cid ninkaa la socotay oo garoonka ku jirta.

Boolisku waxaa kale oo ay doonayaan in ay hubsadaan in ninkaa la toogtay walxaha qarxa uu isku soo xidhay iyo in kale.

Ugu danbeyntii, madaarka Orly, oo ku yaal dhinaca koonfureed ee garoonka Paris, ayaa ah madaarka labaad ee ugu mashquulka badan garoomada ku yaal caasimadda Faransiis. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]