4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2017
BELEDWEYNE : askari toogasho ku dilay qof rayid ah

 Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) - Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xalay toogasho ku dilay mid ka mid ah wadayaasha gadiidka Bajaajka xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Askariga toogashada geystay ayaa lagu waramayaa in uu ka tirsanaa ilaalada xabsiga magaalada Beledweyne waxaana qaar ka mid ah saraakiisha dowladda sheegeen in askariga uu ka shakiyay gaari Bajaajka taasoo keentay in uu rasaas ku furo.

Dhinaca kale isla magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda Xaawo-Taako waxaa xalay kooxo hubeysan oo aan la garaneynin toogasho ku dhaawaceen macalin dugsi Qur’aan, kaa oo hadda dhaawaciisa lagula tacaalayo isbitaalka magaalada Beledweyne.

Dhacdooyinka ayaa imanaya xili waayadii ugu danbeeyay amniga magaalada Beledweyne uu ahaa mid siweyn u soo hagaagayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]