4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2017
Al Shabaab oo soo bandhigay ciidamo ay sheegeen in ay kasoo goosteen Dowladda Soomaaliya

Jimco, Maarso, 18, 2017 (HOL) – Xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya, ayaa Gobolada Baay iyo Bakool ku soo bandhigay Ciidan ka tirsanaa, sida ay sheegeen Dowladda federaalka Soomaaliya, oo iskusoo dhiibay Al shabaab.

Saraakiisha Al Shabaab, ayaa sheegay in ciidanka ay siiyeen waxbarasho saddex bilood ah.

Dowladda Soomaaliya, wali kama aysan hadlin sheegashada Al shabaab ee ah in askarta dowldda ay ku biireen dagaalyahanada Al Shabaab.

8-dii bishan Maarso, Saraal Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Qaraxyada ayaa isku soo dhiibo ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Baay, waxaana arrintaasi soo dhoweeyay Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Saraakiisha ciidamadda dowladda Soomaaliya, ee ku sugan gobolka Bay, ayaa shalay sheegay in sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamadda.

Xuseen Salaad Mukhtaar, oo in mudo ah ka tirsanaa Al Shabaab, ayaa dowladda u yimid, waxaana uu dalbaday in la cafiyo, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay saraakiisha ciidanka dowladda.

Ciidanka dowladda waxaa ay kala kulmaan weeraro xooggan, dagaalyahanada Alshabaab, ee ku sugan koonfurta galbeed ee Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia