4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2017
Wadooyinka Muqdisho oo xiran iyo Guddoomiyaha Midowga Africa oo Soomaaliya ku soo wajahan

 

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Saaka waxaa xiran qaar ka mid ah wadooyinka magaaladda Muqdisho dhex mara, sida dadka reer muqdisho ay sheegeen.

Wadooyinka xiran, ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada waaweyn ee Magaalada gaar ahaan Wadada Maka Al-mukarama.

Isgoysyada Banaadir,Soobe,KM-4 illaa Debka ayaa ah kuwo saaka laga mamnuucay in ay isticmaalaan gawaarida raaxada iyo kuwa kale ee shacabka caadiga ay isticmaalaan.

Waxaa maanta lagu wadaa in magaaladda Muqdishu uu yimaado, Guddoomiyaha Midowga Africa Muusa Faki Maxamed, isagoona kulamo la qaadan doona, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Faafaahinta warkaan waan idin soo sheegeynaa:

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia