4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 17, 2017
Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha dhimashada duqeynta doontii ay la socdeen qaxootiga Soomaliyeed

 

Jicmo, Maarso, 17, 2017 (HOL) – Tirada dhimashada ayaa kor u sii dhaafeysa 40 ruux kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay gantaal ku dhufatay doon ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed oo ku sii jeeday dalka Suudaan, kana ababaxday xeebaha Yemen.

Qaar ka mid ah dadkii laga soo badbaashay doonta ayaa sheegay in ay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanyey dagaallada ka socda dalka Yemen.

Saraakiil ka tirsan ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.

Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka. Isbaheysiga ayaa dhowaanahan duqeymo culus ku waday magaalada Xudeyda, ayaga oo ku eedeeyey mucaaradka shiicada inay hub kasoo geliyaan.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, islamarkaana Mareykanka uu taageero ayaa duqeymo ka fulinayey dalka Yemen tan iyo sanadii 2015, ayaga oo isku dayaya inay magaalada Sanca ka bixiyaan gacan ku haynta Xuutiyiinta.

Ugu danbeyntii, mucaaradka Shiicada ayaa weli gacanta ku haya Sanca iyo inta badan waqooyiga Yemen. Illaa iyo iminka dagaalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay qiyaastii toban kun oo shacab ah.

Arintan ayaa noqoneysa dhimashadii ugu badneyd ee soo wajahday qaxooti Soomaaliyeed oo markii hore ka barakacay dalkooodii hooyo, balse mar kale ka sii barakacay dagaallada dalkii ay maciin bideen ee Yemen, hasse ahaatee ugu danbeyntii geeriyooday iyaga oo safar u sii ah dal saddexaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]