4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2017
Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan oo deeq raashin ah gaarsiiyay dad abaarta ka soo barakacay

Jicmo, Maarso, 17, 2017 (HOL) – Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan oo deeq raashiin ah gaar siiyay Qoysas ku xoolo beelay Abaarta Ka Jirta dalka Soomaaliya.

Dadka danyarta ee deeqda raashinka ah la gaarsiiyay ayaa intooda badan ka kala yimid deegaanno hoostaga gobollada Bakool iyo qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan kuwaas oo soo gaaray duleedka magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Deeqdan rashiinka ah oo ka koobneyd Bur Baris Sonkor Saliid ayaa la gariisay dad ku dhibateesnaa duleedka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhalinyaro ku nool Norway ayaa soo ku deeqay gargaarkan waxaa deeqda lacagta ah ee lagu iibiyay raashinkan soo ururiyay Faarax Cabdi Salaad iyo Suldan Kirix oo ka soo aruuriyay dadka ku nool magalada Oslo ee dalka Norway.

Ugu danbeyntii, gurmadkan ayaa qeyb ka ah tallaabooyinka lagu caawinayo dadka ay abaartu dhaafisay xoolihii ay dhaqanayeen, islamarkaana aan heysan wax ay cunaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]