4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2017
Britain oo iska fogeysay eedeyn uga timid aqalka cad ee Mareykanka

 Jicmo, Maarso, 17, 2017 (HOL) – Hay'adda sirdoonka Britain ee GCHQ ayaa ku tilmaantay ''wax lagu qoslo'' eedaymaha sheegaya in madaxweyne Obama uu ka dalbaday inay basaasto Donald Trump intii lagu guda jiray ololihii doorashada madaxtinnimada Mareykanka.

Eedaymahani waxaa Khamiistii sheegay afhayeenka madaxweyne Trump, Sean Spicer oo soo xiganayo warar lagu baahiyay talefishin laga leehay Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay ku dooday in Obama uu amray in la dhageysato tilifoonadiisa.

Guddiga sirdoonka u qabailsan aqalka Senetka Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax raadad ah oo muujinaya in dawladda Maraykanku ay basaasaysay dhismaha Trump Tower ka hor amaba ka dib doorashadii Maraykanka.

Seneter Richard Burr oo ah gudoomiyaha guddiga senetka u qaabilsan sirdoonka oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray meesha kaga saaray sheegashada ah in si qarsoodi ah loola socday taleefannada Donald Trump.

Balse madaxweyne Trump ayaa wali ku adkaysanayo sheegashadiisa inkastoo uusan la imaanin caddeymoSirdoonka Britain: Maanan basaasin Trump

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]