4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 17, 2017
Jubbaland oo sheegtay in ay dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab

 Jicmo, Maarso, 17, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada Jubbaland in lagu dilay saraakiil ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay ciidamada amniga maamulka Jubbaland oo lagu magacaabo Axmed Max’uud Carab ayaa sheegay in howlgal ciidamada ay ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo Mugaaboow ku dileen xubno sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in saraakiisha ciidamada Jubbaland ay dileen uu ka mid ahaa nin lagu magacaabi jiray Abuu Maxamed laakiin Al-shabaab ugu yeeri jireen sida uu hadalka u dhigay (Kuunyo)

Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya howlgalka midowga Africa ayaa ka wada qeybo ka mid ah deegaannada Jubbooyinka howlgal loogu magaca-daray wabiga Jubba, iyaga oo mar marka qaar dagaalo toos ah la gala xoogag ka tirsan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]