4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2017
Afhayeenkii booliiska Uganda oo toogasho lagu dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa + Video


Jicmo, Maarso, 17, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegaya in afhayeenkii ciidanka Booliska dalka Ugandha Andrew Felix Kaweesi maanta oo Jimco ah kooxo hubeysan ku dileen  meel aan ka fogeyn hoygiisa.

Andrew Felix Kaweesi ayaa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ka dib markii gaari uu la socday lagu furay rasaas, waxaana halkaas.ku geeriyooday dhamaan dadkii saarnaa gaariga.

Dableyda weerarka geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen, ciidamada amaanka wadankaas ayaa goobta xiray, iyadoo dowlada wadanka Uganda ay sheegtay in la baarayo dilka loo geystey afhayeenka ciidamada Booliska .

Ugu danbeyntii, ma jirto jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka afhayeenka iyadoo uu yahay dilkan mid aan la fileyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]