4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 17, 2017
Culima’udiinka gobolka Hiiraan oo ku baaqay in la gargaaro dadka abaarta saameysay

 Jicmo, Maarso, 17, 2017 (HOL) - Kaddib Salaadii Jimcaha ee maanta ayaa Masjidka Bardaha ee magaalada Beledweyne oo ka mid ah masaajida ugu faca-weyn gobolka waxaa ay culima’udiinka ku baaqeen in si deg deg ah loogu gurmado dadka abaartu saameysay ee ku dhaqan gobolka.

Gudi ay iska soo dhaxsaareen culimada oo ka kooban 7 xubnood ayaa sheegay in xaalad banni’aadanimo tii ugu dareneyd ay ka taaga tahay qeybo badan oo ka mid ah gobolka gaar ahaa deegaannada ku hareereysay magaalada Beledweyne, iyaga oo bulshada inteeda kale ugu baaqay in ay gargaar la soo gaaraan dadkan dhibaateysan.

Ustaad Cismaan Max’ed Cilmi oo afhayeen u ah gudiga culimada ee u gurmashada dadka abaarta saamaayeen ayaa HOL u sheegay in kadib qeylodhaan culimada uga timid bulshada isla garteen in ay u kacaan sidii dadkan loo gargaari lahaa.

‘’ Gudigan waxaa uu ku aas-aasmay baaq ka yimid bulshada ku dhaqan gobolka oo culimada ka dalbaday in ay doorkooda qaataan, salaadii Jimcaha maanta ayuu gudigu wacyi-galinta bilaabay, bulshada inta wax heysata waxaan ugu baaqnay in ay kaalmeeyaan dadka walaalahood ah ee baaba’aya ayuu yiri’’ Ustaan Cismaan Caato.

Guddigan waxaa gudoomiye ka ah Sheekh C/llaahi Cali Barqadle oo ka mid ah culimada ugu waaweyn gobolka, waxaan xubno ka ah qaar ka mid ah culma’udiinka sida weyn loo garanayo qeybaha uu gobolka ka kooban yahay.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaaannada ay abaartu saameysay, waxaana xeryaha dadka barakacayaasha ah waayadii ugu danbeeyayba soo gaarayay dadka ku xoolo beelay abaarta, kuwaa oo ka soo hayaamay deegaanno dhaca gobollada dhexe Soomaaliya.

Hadaba haddii aad dooneyso in aa la xiriirto gudiga wac Tellefoonnada kala ah : +252617779966 ama + 252615510396.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]