4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 17, 2017
Maamulka gobolka Hiiraan oo eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah hay’addaha samafalka

 Jicmo, Maarso, 17, 2017 (HOL) - Mas’uul u hadlay maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah hay’addaha samafalka ka howlgala gobolka Hiiraan in ay faragalin toos ah ku hayaan sida uu hadalka u dhigay siyaasada maamulka ee ku aadan u gargaarida dadka tabaaleysan.

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali ayaa sheegay in hay’addaha samafalka ka howlgalka gobolka wax wada tashi ah kala yeelan maamulka gargaarka ay bixiyaan.

‘’Wax yaabaha la yaabka leh ee aan ku eedeyneyno hay’addaha ayaa ah in gargaarka ay ugu talagaleen dadka dhibaateysan ee abaartu saameysay kaligood maamulaan, iyaga oo aan wax wada tashi ah arintan kala yeelan maamulka ayuu yiri’’ Sheekh Xusseen Cismaan Cali.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dhawaan magacaabay gudi gaar ah oo ka shaqeynaya u gurmashada dadka ay abaartu saameysay si la mid ah gobollada kale ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu baaqay hay’addaha samafalka in aysan baalmarin siyaasada maamulka ee la xiriirta kaalmeynta dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

Ugu danbeyntii, marka laga soo tago eedeynta maamulka gobolka, ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay arintan dhinacooda ka soo saareen hay’addaha samafalka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]