4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2017
Qaxooti Soomaali ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday xeebaha dalka Yemen

 Jicmo, Maarso, 17, 2017 (HOL) – Wararka ka imenaya dalka Yemen ayaa sheegaya in duqeyn ay geysatay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee Apache lagu bartilmaameedsaday dooni ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed.

Doonta oo ku sii jeeday dhinaca dalka Suudaan, ayaa waramayaa in ay ku dhinteen 31 qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka anbabaxayay dalka Yemen.

Dadkan qaxootiga ah ee dhintay ayaa la sheegay in ay heysteen dukumintiyo ay bixisay hay’adda qaxootiga ee QM UNHCR , waxaana doonta ay la socdeen ay mareysay waqtiga la bartilmaameedsaday Marinka Bab Al-Mandab gaar ahaan halka ay kooxda mucaaradka Xuutiyiinta ay ka taliyaan.

Naaquudihii waday doonta oo magaciisa lagu sheegay Ibrahim Ali Zeyad ayaa sheegay in 80 ruux oo qaxooti ah ay ka badbaadeen duqeynta.

Lama yaqaan halka laga lahaa diyaaradan duqeynta geysatay hase yeeshee waxaa la tuhunsan yahay in boqortoyada Sacudi Carabiya ay haysato diyaaradaha Maraykanka lagu sameeyo ee Apache A-64.

Ugu danbeytii, isbahaysiga ay hogaamiso boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa la sameeyay 2015kii iyagoo dagaal kula jira xoogaga Xuutiyiinta kuwaasoo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Yemen Ali Abdullah Saleh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]