4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 17, 2017
Soomaaliya oo markii ugu horeysay caruurta laga Tallaalayo cudurka daacuunka

Jimco, Maarso,  17, 2017 (HOL) – Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda caafimaadka QM  WHO ayaa bilaawday olale ballaaran oo markii ugu horeysay caruurta looga lagu siinayo tallaalka ka hortaga cudurka daacuunka.

Ollahan ayaa lagu beegsanayaa 450 000 oo ruux oo ku dhaqan todobo aag oo ka mid ah goobaha ugu sii khatarsan ee cudurkan uu saameynta ku yeeshay.

Ollahan Tallaalka cudurka daacuunka oo noqonaya markii ugu horeysay oo laga hergalayo gudaha dalka Soomaaliya ayaa imanaya xili dalka uu wajahayo xaalad adag oo ka dhalatay abaarta, taasoo keentay in dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdo masiibo Qaran.

‘’Tani waxaa ay noqoneysaa ollalihii ugu Tallaalka daacuunka oo afka laga qaadanyo Africa oo idil ayuu yiri’’ Ghulam Popal, wakiilka WHO ee Soomaaliya.

QM ayaa sheegtay in ka badan 11,000 oo Qof in shuban biyood iyo Daacuun ay la ildaran yihiin, loona baahan yahay in dhexda loo xirto sidii dadkaasi loo badbaadin lahaa.

Dalka Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaya xaalado banni’aadanimo, kuwaa oo ka dhashay colaad, amaan darrada, barakaca dadka iyo la’aanta nidaam caafimaad.

Ugu danbeyntii, xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay oo 7-dii March soo booqday Soomaaliya ayaa sheegay 6.2 Milyan oo Qof in ay saameysay Abaarta, ayna u baahan yihiin gar gaar deg deg ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]