4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2017
Sanad Guurada 57-aad ee xiriirka Somaliya iyo Pakistan


Jimco, Maarso,  17, 2017 (HOL) - Sanad guuradda 57 aad xiriirka Somaliya iyo Pakistan ayaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan. Ciyaartooy ka kala socday labada dal ayaa ciyaarta kubadda cagta kusoo bandhigay garoonka kubadda cagta ee magaalada Karachi. 

Ciyaartaan oo ahayd mid lagu maamuusayay xiriirka 57 sano jirsaday ee Somaliya iyo Pakistan ayaa waxaa kasoo qayb galay marti sharaf ay ka mid ahaayeen wasiirka Sports ka dowladda Pakistan ee gobalka Sindh mudane Sardar Ahmed, Safiiradda Somaliya u fadhida Pakistan marwo Khadija Mohamoud AlMakhzuumi, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliya ahaana sidoo kale madaxwaynihii Galmudug mudane Abdikarin Hussain Guuleed, Qunsulka Somaliya ee Pakistan Mudane Abdullahi Haaji Daud Warsame, iyo masuuliyiin sare sare oo ka kala socday labada dal.  

 Ciyaartan oo ahayd mid kulul ayaa labada kooxood is mari waayeen, waxayna ugu danbayn noqotay in lagu kala baxo rigoore ama gool ku laad iyadoo kooxdii Somaliya ay dhalisay afar gool halka kooxdii Pakistan dhalisay saddex gool sidaas ayaana guushu ku raacday Somaliya. Taageerayaal badan oo ka kala socday labada dal ayaa usoo daawasho tagay ciyaarta oo ahayd mid taariikhi ah oo aan waligeed horay uga dhicin Pakistan. 

 Wasiirka sports Pakistan ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay hormarka xiriirka Somaliya iyo Pakistan isagoo sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in labada dal ay sii hormarin doonaan xiriirkooda saaxiibtinimo.

Safiiradda Somaliya ee Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay in ciyaarta noocaan oo kale ah ka turjumayso xoojinta xiriirka labada dal, waxayna u rajaysay guud ahaan labada dal guul iyo baraare iyadoo sidoo kale sheegtay inay gacan ka gaysan doonto sidii loo hormarin lahaa xiriirka Somaliya iyo Pakistan.

 Ugu danbayntii ciyaartaan oo ahayd mid xiiso leh ayaa kasoo qayb galayaashu sheegeen inay ku faraxsanyihiin inay kasoo qayb galaan, waxayna sheegeen in ay tahay markii ugu horraysay oo ay daawadaan ciyaar noocaan oo kale ah oo dhex maraysa Pakistan iyo Somaliya. Karachi waxay hooy u tahay dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jira arday, ganacsato iyo famillo. 

 Duran Hassan

Karachi, Pakistan