4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2017
Daawo Sawiro” Madaxweynihii hore ee Soomaalia Xasan Sheekh oo Muqdisho ka ambabaxay

 

Jimco, Maarso, 17, 2017 (HOL) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa ayaa u ambabaxay dalka Turkiga.

Waxaa manta oo jimca aheyd, Xasan Sheekh Maxamuud Garoonka Diyaaradaha ee Muqdishu, ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiir Odaywaa, Musharixiintii la tartantay qaar ka mid ah iyo xubno kale oo saaxiibo dhow la ah Xasan Sheekh.

Mudane, Xasan ayaa sheegay in safar gaaban uu ku tagaayo dalka dibadiisa, kadibna uu soo noqon doono. 

Xasan, ayaa looga adkaaday doorashii 8 bishii February ka dhacday magaaladda Muqdishu.

Madaxweynayaashii xilalka banneeyay ayaa dhammaantooda degaan ka dhigta dalka dibadiisa, marka doorashadda ay waayaan.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii hore si rasmi ah uga midnoqday Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii loo dhaariyay xubinimaddiisa Barlamaanka.

Dastuurka Soomaaliya ayaa qeexaya in siyaasigii dalka Madaxweyne ka noqda, in uu si sharci ah u heli karo, xubin ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu noqonayaa xildhibaankii ugu horreeyay ee ka mid noqda barlamaanka isagoo sharci u siinaya Dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynayasha kale ee soo mara Soomaaliya, ayaa waxaa ay ku biiri doonaan Barlamaanka sida Xasan Sheekh oo kale, waxaana uu xilalkooda Barlamaan uu sii jiri doonaa mar walba.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa isugu soo haray wareegii ugu dambeeyay ee doorashada Soomaliya, inkastoo Xasan uu tanaasulay, kadib markii uu ogaaday in wareegii saddexaad ee tartanka si weyn looga codbadnaa.

Afartii sano ee lasoo dhaafay ayuu madaxweyne ka ahaa dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh, waxaana dalka uu gaarsiiyay meel caalamka uu ka arki karo, iyadoo dowladdaha caalamka ay si rasmi ah u aqoonsadeen dalka Soomaaliya sanadooyin kadib.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia