4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2017
Ra’iisal Kheyre : Waxaa bilaabanaya isla xisaabtan hay’addaha dowladda ah

Jimco, Maarso, 17, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay inay bilaabaneyso waqtigii isla xisaabtanka hey’adaha dowladda, isagoo cadeeyay inuu ku dadaali doono nidaam kala dambeyn ah oo xukuumaddiisa la timaado.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in la ilaalin doono xuquuqda shaqaalaha dowladda, isla markaana shaqaalaha qudhooda lagila xisaabtami doono shaqooyinka ay hayaan.

Mr Kheyre ayaa xusay inay muhiim tahay in hay’ad walba ay ka soo baxdo howsha loo igmaday, isagana uu ku dadaali doono kormeerka iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda

“Waxaa ku dadaali doonaan nidaam kala dmabeyn inuu yimaado, idinkana xuquuqdiina la ilaaliyo, wax ka dhaxeyn doonaan ma jiri doonaan dadka inay halkan ka shaqeeyaan ama aanay ka shaqeyn, ma jiri doonto in xafiisyada dowladda oo dhan inay dad ku qoran yihiin ayagoo shaqeyneyn”ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Hadalkan ayuu shalay u jeediyay ra’iisul wasaaraha, kulan uu la qaatay shaqaalaha xafiiskiisa, waxaana uu balan qaaday in cid walba lagula xisaabtami doono howsha ay heyso.

Ugu danbeyntii, shaqaalaha dowladda ayaa lagu dhaliilaa in iyagoo aysan shaqeyn inay mushaar iska qaataan, qaarkood waxaa la sheegaa inay min labo wasaaradood ka shaqeeyaan, iyagoo adeegsanaya labo magac oo ay mushaarka ku qaataan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]