4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2017
Warbixin: Maxaad dooneysaa in aad ka ogaato? Burcad Badeed Xeebta Puntland Markab ku Haystey oo Siidaayey

 

Jimco, Maarso, 17, 2017 (HOL) –Markab ay burcad badeed ku haysteen xeebta Puntland ayaa si nabad ah lagu siidaayey.

Markabkan oo laga leeyahay dalka Imraadka Carabta islamarkaasna u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, ayaa la sheegay in xalay kooxdii burcad badeeda ay isaga tageen.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii la afduubay.

Tan iyo Axadii lasoo dhaafay ayeey kooxda burcad badeeda ay heysteen markabka.

Agaasimaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland, Cabdiraxmaan Xaaji Xassan, ayaa beeniyey in ay jiraan wax wadahadal ah oo dhexmarey maamulka Puntland iyo dableydi falkan geysatey.

Warar aan helnay ayaa sheegaya, in waxgaradka kasoo jeeda deegaanadda Puntland, ay ku guuleysteen sidii markabka loo sii deyn lahaa. 

Sheekooyinkii wal-walka lahaa intii kooxda burcad-badeeda ay heysteen markabka.:

1)      Ilaa seddex jeer ayeey ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen markabka oo badda dhex fadhiya.

2)      Kooxda Burcad badeeda ayaa sheegay in ay dili doonaan shaqaalaha udhashay dalka Siri Lanka, haddii ciidanka dowladda ay joojin waayaan weerarada ay kusoo qaadayaan markabka.

3)      Kabtanka, markabka gacanta ugu jiray kooxda Burcad badeeda, oo la hadlay warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka codsanaayo in ay joojiyaan weerarka ay kusoo qaadayaan markabka, maadaama naftooda ay Qatar ku jirto.

4)      Dowladda Siri Lanka, ayaa lasoo hadashay ciidamadda badda Soomaaliya, waxaana ay ka codsatay in ay weerarka ka joojiyaan burcad-badeeda, si loo badbaadiyo muwaadiniintooda saaran markabka, isalamarkaana fursad loo siiyo kooxaha burcad badeeda in lala hadlo.

Guddoomiyaha degmada Caluula Cali-Shire Maxamuud Cismaan ayaa sheegay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin budhcad badeed, sida uu hadalka u dhigay, hase yeeshee nin sheegtay in uu ka mid yahay dadka Markabka soo qabsaday ayaa sheegay in ay yihiin kalluumaysato.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia