4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2017
Wararkii ugu dambeeyay: Maxaa ka dhex socda Markabka kooxda Burcad-badeeda ay heystaan?

Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) – Dareenka shaqaalaha la socda markabka kooxda Burcad-badeeda ay heystaan, ayaa mareya heer wal-walkii ugu dambeeyay ah,  kadib markii ay sii xoogeysteen dagaalka Burcad badeeda saaran markabka iyo ciidanka badda Puntland dhexmaraya.

Ilaa seddex jeer ayeey ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen markabka oo badda dhex fadhiya.

Kooxda Burcad badeeda ayaa sheegay in ay dili doonaan shaqaalaha udhashay dalka Siri Lanka, haddii ciidanka dowladda ay joojin waayaan weerarada ay kusoo qaadayaan markabka.

Kabtanka, markabka gacanta ugu jira kooxda Burcad badeeda, oo la hadlay warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka codsanaayo in ay joojiyaan weerarka ay kusoo qaadanayaan markabka, maadaama naftooda ay Qatar ku jirto.

Madaxda Puntland ayaa sheegay in ciidamo ay u direen inay soo furtaan markab Afduub loogu heysto xeebta degmada Caluula, waxaana hadda la fahansanyahay in ay is hor fadhiyaan raggii heystay Markabka.

Guddoomiyaha degmada Caluula Cali-Shire Maxamuud Cismaan ayaa sheegay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin budhcad badeed, sida uu hadalka u dhigay, hase yeeshee nin sheegtay in uu ka mid yahay dadka Markabka soo qabsaday ayaa sheegay in ay yihiin kalluumaysato.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii la afduubay.

Ugu danbeyntii, mas’uuliyiinta la socda Markabkaasi ayaa sheegay in ay la socdaan toddoba qof oo shaqaale ah oo u dhashaya dhammaantood dalka Sirilanka.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia