4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2017
Roobdoonkii ugu balaarnaa ee ka dhaca gobolka Sool oo maanta la qabtay


Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) - Dad kumanaan gaadhaya ayaa isugu soo baxay garoonka Masalaha Ciida oo ku yaala koonfurta magaalada Laascaanood ayaa lagu baryayey in Illaahay cirka roob uga darooriyo waqti kumanaan qoys ay haatan xoryo qaxooti ka degeen meelo badan oo ka mid ah gobolka Sool.

Qaar ka mid ah culimada kala duwan ee gobolka Sool ayaa halkaas dadkii isu soo baxay kula hadlay, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in laysu duleeyo ilaahay laguna dadaalo wanaaga, xumaanta in laga fogaado oo la toobad keenona waa ay ku dardaarmeen.

Dadka isugu yimi Garoonkaas oo u badnaa dumar iyo caruur ayaa waxaa ka muuqdey qiiro xoogleh, walow aysan ku muuqan goobtaas culimada qaybo ka mid ah oo ay dadka qaarkii is weydiinayeen waxa ay uga hadheen.

Qiimayn lagu sameeyey todobadadii la soo dhaafay oo kooxo madax banaan ka wadaan degaanada gobolka Sool ayaa waxa ay sheegeen in inka badan 15% dadki reer guuraaga ahaa ay caydhoobeen halka labada todobaad ee soo socda laga qabsi qabo inay gaadho 35% taas oo keenayasa khasaare aad u xoogbadan, waxaase xaaladu sii adkaan doontaa hadii bisha soo socota gurmad dhinaca Rabbi ka yimaada la waayo.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool