4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2017
Warar dheeraad ah : Iska horimaad dhaxmaray ciidamada badda Puntland iyo burcad badeed

Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) - Iska horimaad leysku adeegsaday hub kala duwan ayaa maanta ku dhaxmaray deegaan lagu magacaabo Xaabo ee gobolka Gardafuu ciidamo badda Puntland iyo koox burcad badeed ah oo dhawaan Markab qafaalatay.

Guddoomiyaha deegaanka Xaabo ee iska horimaadka uu ka dhacay oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Ismaaciil ayaa warbaahinta u sheegay in wada hadal la doonayay in lagu sii daayo Markabka lagu gacanseyray, taasoo sababtay ayuu yiri in deegaanka ay rasaas ka bilaabato.

‘’Odayaasha deegaanka oo qorshanaya in si nabad ah lagu sii daayo Markabka ayaa waxaa dhacday in ciidamada Puntland rasaas ku fureen saxiimad ku sii jeeday dhinaca Markabka, waxaana is rasaaseynta labada dhinac ku dhaawacmay labo ruux oo shacab ah, ayuu yiri Maxamed Cabdi Ismaaciil.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu meesha ka baxay wada hadal kasta oo la doonayay in lagu sii daayo Markabka, kadib markii arintaa ku gacan seyreen sida uu hadalka u dhigay ciidamada howlgalka ka qeyb qaadanaya.

Ugu danbeyntii, kooxda burcad-badeeda ah ayaa wali gacanta ku haya markabka lama saadaalin karo sida ay xaalado noqon doonto hadii ay ka dhaga adagyaan inay siidaayaan Markabkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]