4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2017
Natiijooyin hor dhac ah oo ka soo baxaya doorashada Holland

 

Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) - Natiijooyin horudhac ah oo kasoo baxay doorashada dalka Holland, ayaa muujinaya in xisbiga ra’iisul wasaare Mark Rutte uu ku guuleystay kuraasta ugu badan baarlamanka, kana adkaaday xisbiga kasoo horjeeda soo-galootiga iyo islaamka ee uu hogaamiyo Geert Wilders.

Ayada oo inta badan codadka la tiriyey ayaa xisbiga midig dhexe ee Rutte waxaa la filayaa inuu ku guuleysto 32 ka mid ah 150 kursi ee baarlamanka, isaga oo si aad ah uga horeeya dhammaan xisbiyada kale.

Saddex xisbi oo kale ayaa la filayaa inay ku guuleystaan min 19 kursi, waxaana ku jira xisbiga Freedom Party ee Wilders iyo xisbiyada Christian Democrats iyo D66.

Natiijada rasmiga ah ee sida loo kala helay kuraasta baarlamanka ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa 21-ka Maarso.

Saraakiisha ayaa sheegay in codadka ay dhiibteen 81 boqolkiiba dadkii sharciga u lahaa inay codeeyaan, taasi oo ahayd tii ugu badneyd muddo 30 sano ah.

Andre Krouwel oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Free University ee magaalada Amsterdam ayaa sheegaya in dadka tirada badan ee doorashada isugu soo baxay ay muujineyso in muwaadiniinta dalkaas ay u arkeen doorashadan mid aad muhiim u ah.

Xigasho VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]