Ardeydii ugu badneyd ee ka qalinjabisay Jaamacada SIMAD oo munaasabad loo qabtay
Khamiis, Maarso,
16, 2017 (HOL) - Munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen arday
dhameysatey darajada koowaad ee bachelorka jaamacadda SIMAD ayaa
maanta ka dhacday xarunta jaamacadda
SIMAD.
Munaasabada
ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha
Wakaaladda Muslimiinta Afrika ee Soomaaliya ahna Xubin ka mid ah golaha sare ee
Jaamacadda, Maamulka sare ee Jaamacadda oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Jaamacadda,
Dahir Hassan Arab, macalimiin, arday iyo marti sharaf kale.
Ardayda ayaa noqonaya dufcadii
12aad ee ka qalinjebisa Jaamacadda SIMAD, waxayna dhameysteen takhasusaaska
kala ah Maamulka iyo Maaraynta ganacsiga, Xisaabaadka iyo cilmiga computer-ka,
culuumta bulshada, iyo culuumta sharciga.
Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD,
Ustad Dahir Hassan Arab oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu
hambalyo u diray dhamaan ardayda qalinjebinaysa, waxa uuna sheegay in maamulka
SIMAD ay si weyn ugu faraxsanyihiin in tiradii ugu badneyd ay maanta ka
qalinjebiso Jaamacadda SIMAD, waxaa uuna ardayda ugu hambalyeeyey dadaalkii ay
sameeyeen afartii sanno ee lasoo dhaafay.
Gudoomiyaha wakaaladda
nuslimiinta Afrika ee Soomaaliya, Ustad Xasan Badawi oo wakiiil ka ahaa
Guddoomiyaha golaha sare ee Jaamacadda ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray
dhammaan ardayda qalinjebinaysa kuna baraarujiyey in horey usii wadaan
waxbarshadooda.
Xafladdan ayaa aad ugu duwan
xaflidihii hore iyadoo xafladdani maanta ay ka dhaceysay Xarunta Weyn ee
Jaamacadda oo runtii ka mid ah meelaha ugu quruxda badan caasimadda. Waxaa
muuqaalka guud ee Jaamacadda wada qabsaday ardayda qalinjebinaysa oo ay
la dabaaldagayaan eheladodooda iyo asxaabtooda.
Ugu danbeyntii, xafladda kadib,
waxaa dhamaan ardayda qalinjebinaysa iyo martisharaftii kasoo qeybgalay
xafladda ay u istaageen salad roobdoon iyagoo si wada jir Alle ka baryey in uu
abaarta ka dulqaado umadda Soomaaliyeed inta ay dhibaatadu sameysayna barwaaqo
iyo baraare ugu badalo.