4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2017
Ciidamada badda Puntland iyo burcad badeed dagaalamay

 Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Caluula ee ka tirsan gobolka Gardafuu ee maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegay in uu halkaa iska horimaad kooban ku dhaxmaray ciidamada badda Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan burcad badeed dhawaan Markab qafaalatay.

Cali Share Maxamuud guddoomiyaha degmada Caluul oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in iska horimaadka uu bilaawday kadib markii koox maleeshiyo isku dayeen inay u gudbaan Markabka, hase yeeshee ciidamadda Badda oo ku hareeraysanaa Markabka ay ka horjoogsadeen inay gudbaan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka labada dhinac dhaxmaray.

Ugu danbeyntii, Markabka   Aris 13 oo ku gooshayay Calanka Sri Lanka, ayna maamusha shirkad fadhigeeedu yahay Imaaraadka Carabta waxaa maalintii Isniintii ee toddobaadkan qabsaday maleeshiyaad sheegtay in ay yihiin kalluumaysto dhibaatooyin ay u gaystay Maraakiibta jiriifka ee ah shisheeye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]