4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2017
Faah faahin : labo ruux oo xalay lagu dilay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya labo ruux oo kooxo hubeysan xalay ku dileen deegaan lagu magacaabo Lafo-Maroodi oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada booliiska degmada Maxaas ee maamulka gobolka Hiiraan Bishaar Faarax Cismaan oo HOL la hadlay ayaa sheegay in raggan la dilay oo ka soo jeeda gobolka Galguduud ka mid ahaayeen dadka ka ganacsade xoolaha, isaga oo intaa ku daray rag hubeysan wadadda u galleen xalay xili ay ku sii jeedeen dhinaca degmada Guri-ceel.

‘’ Dilka waa jiraa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Lafo-Maroodi oo ka tirsan degmada Maxaas, ragga la dilay waxaa ay ka mid ahaayeen dadka xoolaha ka ganacsade, xoolo ay ka gateen deegaanka Teedaan, kadib iyaga oo ku sii jeeda dhinaca degmada Guri-ceel ayaa la dilay’’ ayuu yiri Bishaar Faarax Cismaan.

Lama oga ilaa iyo hada cida ka danbeysay dilka labada ruux, hasse ahaatee horay waxaa qeybo ka mid ah labada gobol Hiiraan iyo Galguduud uga dhacay dilal salka ku haya aano qabiil.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira dilka labada ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]