4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2017
Warbixin: Al Shabaab iyo ciidanka dowladda oo dagaal culus ku dhex-maray magaaladda Muqdishu

Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) –Ciidanka dowladda iyo Al Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku dhex-maray xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Hilliwaa ee magaaladda Muqdishu.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidamo Boolis ah ay ku leeyihiin xaafada Suuqa xoolaha ee Degmada Hilliwaa.

Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in dagaalka uu ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

“Dagaalka waxaa lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray (Jacfar Kuukaay), sidoo kalena ciidanka Nabadsugida waxaa ay soo furteen laba Qori, oo mid kamid ah uu ahaa Baasuuke” sidaasi waxaa sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.

Al shabaab wali wax warka ah kama soo saarin dagaalkii xalay ka dhacay Suuqa Xoolaha.

Al Shabaab oo magaaladda muqdishu laga saaray sanadkii 2011, ayaa waxaa mararka qaar dhacda in dagaal gaadma ah ay kusoo qaadaan ciidanka dowladda, kaasoo markii dambana isku bedela dagaal toos ah oo muda gaaban ah. 

Isku haleynta amniga Magaaladda Muqdishu:

Falanqeeyayaasha siyaasadda Soomaaliya, ayaa sheegaya in dagaal foolka-fool ah oo Al Shabaab iyo ciidanka dowladda ku dhex-mara magaaladda Muqdishu, in ay sabab u tahay isku haleynta dhinaca amaanka.

Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed Buud, oo Warbaahinta kula hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamadda Milatariga dowladda laga saari doono  dhamaan magaaladda Muqdishu.

“ Ciidanka Booliiska iyo Nabadsugida ayaa lagu wareejinayaa amaanka muqdisho, iyaga ayaana lagula xisaabtami doonaa” ayuu yiri taliyaha. Haddii ciidanka laga saaro magaaladda waxaa macaquul ah isbedel dhinaca amniga. Ciidamo Milatariga ah oo tira badan ayaa ku sugan gudaha magaaladda, waxaana amniga uu galay isku haleyn, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay, Maxamed Cali oo ah Qabiir dhinaca ciidamada.

Majirin nidaam kala soocaya waajibaadka ciidamadda dowladda, iyadoo ay ugu wacneed mishaar la’aanta heysata ciidanka.

Shaqada ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre:

Amaanka magaaladda Muqdishu, ayaa aad looga deyrinayay tan iyo markii la doortay dowladda cusub ee uu hogaaminaayo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Balse waxaa xusid mudan, in Qaraxyada, dilalka iyo weeraradda gaadmada ah ay magaaladda Muqdishu ay kusoo bateen intii lagu guda jiray Ololaha doorashada, waxana la dhihi karaa dowladda cusub waxaa ay la kowsatay dal uu ka jiro xaalad kala-guur ah.

Shaqada ugu weyn ee laga filaayo in ay qabtaan siyaasiyiinta kala ah Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa ay tahay hagaajinta amniga magaaladda muqdishu.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia