4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2017
Xarunta xuquuqul insaanka oo xukuumadda ka codsatay in xoriyadiisa u soo celiso wariye Coldoon

 Khamiis, Maarso ,16, 2017 (HOL)- Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland ayaa xukuumadda ugu baaqday inay xoriyadiisa usoo celiyaan wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo ka badan sodan cisho ugu jira xabsiga magaaladda Hargeysa.

Wariye Cabdimaalik Coldoon ayaa bishii February 26-keeddii la geeyey maxkamadda mar labaad la keenay maxkamadda degmadda Hargeysa, taas oo looga qaaday rumaan todoba cisho ah oo xabsi ku hayn , iyadoo illaa hadana uu xabsiga ku jiro.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xidhan tan iyo 15-kii February kadib markii dawladdu ku eedaysay inuu taageeray oo u ololeeyay murashax madaxwayne ka tartamay Somalia.”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay gudoomiyaha xarunta Xuquuqul insaanka Guuleed Axmed Jaamac.

Waxaanu intaas ku daray “Cabdimaalik waxa la xidhay kadib markii uu safar kaga soo noqday magaalada Muqdisho ee dalka Somalia. 18kii February ayay Maxkamadda Gobolka Hargeysa rumaan garaysay todob cisho. Markii ay dhamaatay todobadii cisho waxa dib loo horkeenay Maxkamadda 26kii February iyada oo todobo cisho oo kale loo diray xabsi ku hayn. Kadib dib looguma soo celin maxkamadda. Booliisku waxaay ku eedeeyeen Cabdimaalik inuu ku kacay hawlo ka dhan ah qaranka iyo faafin warar been abuur ah, eedda loo haysto Cabdimaalik waxaay salka ku haysaa aragti uu soo dhigay bartiisa Facebook ga. Xorriyadda hadalka iyo cabiradadda aragtida waxa damaanad qaaday dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.Ma aha inay Somaliland ka cadhooto aragti kasta oo ka duwan midda ay aaminsan tahay. Waa in loo ogolaaado in ay dadku cabiri karaan aragtidooda iyaga oo aan cabsi ka qabin in dhibaato ka soo gaadho.”

Ugu danbeyntii, xarunta suquuqal Insaanku waxay sheegeen inay  ka codsanaysaa dawlada Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.