4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Olole iskaa wax u qabso oo wadooyin lagu dhisayo magaalada Widhwidh ee G. Cayn oo la bilaabay

Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) - Olole balaaran oo lagu dhisayo wadooyinka Magaalada Widhwidh oo ka tirsan gobolka Cayn Buuhoodlena barri kaga quman una jirta 60Km.

Ololahan ayaa waxa la sheegay in ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada iyo waxgaradka degaanka Widhwidh.

Ing.Maxamed Ciise oo hawshani wada ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in gebi ahaanba wadooyinka magaalada ay dhigaan dhagax aan ka dhicin laamiga.

"halkani waa jidka 30ka waxaana ka shaqaynaya dadka degaanka iyagoo aan cidna wax ka sugayn" ayuu yidhi Ing. Maxamed, waxaanu intaas ku daray in gaadiidka shaqaynaya ee keenaya dhagaxa ay iyagu isu qabaan, dadka ka shaqaynayaan waxa uu sheegay in ay yihiin dhalinta magaalada.

Sekeriye Maxamed Ciise "Wadani" oo HOL uga waramaya hawshan ayaa waxa uu sheegay in ay tahay talaabadii ugu weynayd ee dadka degaanku ay iskaa wax u qabso ku sameeyaan.

Magaaladan ayaa sanadkii 1996dii hawl balaadhan oo wadooyin loogu banaynayo lagu qabtay olole uu bilaabay Keyse Cabdi Yuusuf oo haatan ah Wasiirka Amniga Maamulka Khaatumo oo waqtigaas ahaa ganacsade magaalada degan, waxaana ay waqtigaas dumiyeen guryo badan oo ay dadkii lahaa ay u dhiseen guryo.

Dhinaca kale waxa ay wadaan dadka degaankaas Garoon Diyaaradeed oo la kaashanayaan maamulka Khaatumo.

Magaaladan ayaa haatan xarun u ah Maamulka Khaatumo kadib markii oo dhowaan halkaasi tegey hogaamiyeheeda Prof. Cali Khaliif Galaydh oo xiisad ka dhalatay wadahadalo uu kula jiro Somaliland xiisado kaga kiciyeen magaalada Buuhoodle oo awel xarun u ahayd.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool