4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo khudbadiisii baarlamaanka todobo qodob uga hadlay

 Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha Xassan Cali Kheyre oo maanta codka kalsoonida ka helay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa khudbad uu ka hor jeediyay xildhibaannada uga hadlay ilaa todobo qodob oo sida uu sheegay muhiimad gaar ah uu siinayo.

Abaaraha

Wuxuu Ra'iisul wsaaraha sheegay in abaaraha ay halis ku yihiin jiritaanka dadka, waajibna tahay in si wada jir ah wax looga qabto.

"Waxaa billaabi doonaa shaqo waafi ah oo la xiriira sidii dadka Soomaaliyeed dhibka looga bixin lahaa", ayuu yiri.

"Waa inaan yareynaa sababaha keenaya in abaaraha ay soo noqdnqodaan" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Golaha wasiirada

Wuxuu sheegay in uu og yahay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta hay'adaha dowladda.

"Waxaan billaabi doonaa wadatashi dhinac kasta ah si aan u soo dhiso golo wasiiro oo tayo leh",

"xukuumadeyda waxay xoojindoontaa wada shaqeynta, iskaashiga iyo wax wada qabadka hay'adaha dowladda, si looga mira dhaliyo soo dhoweynta doorashada madaxweyne farmaajo".

"Nabad iyo nolol"

Waxaa uu sheegay in ra'iisal wasaaraha in dowladdiisa ay ku shaqeyn doono qorshe ah, Nabad iyo Nolol.

Wuxuu ka hadlay arrimaha ugu badan ee diiradda uu saari doono.

"Waxaa wax ka qaban doonaa, gurmadka abaaraha, amniga, dhisidda ciidan qaran, xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, hagaajinta maamulka iyo maareynta dhaqaalaha dalka" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha.

Wuxuu intaa raaciyay "Waxaan sidoo kale ka shaqeyndoonnaa hirgelinta cadaaladda iyo dib u habeynta garsoorka, dhameystirka dastuurka, xoojinta federaalka, hirgelinta axsaab siyaasadeed, hirgelinta doorashiiyiin heer degmo iyo gobol, horumarinta dimuquraadiyadda iyo dhameystirka dib u heshiisiinta".

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday inuu xoojindoono midnimada iyo xiriirka maamuladda dalka.

Isla xisaabtan iyo hufnaan

Ra'iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inuu ballan qaadayo sare u qaadidda hufnaanta iyo isla xisaabtanka si musuqmaasuqa loola dagallamo.

"Waxaan la imaan doonnaa dadaal, daacadnimo, karti, hufnaaan ku saleysan isla xisaabtan", Ayuu yiri.

"Waxaan xaqiijin doonaa inaan si joogto ah u hor imaano aniga iyo golaha wasiirada, baarlamaanka hortooda, si daahfurnaa iyo isla xisaabtan loo heli".

Kheyre ayaa sheegay "Waxaan si adag ula dagaali doonaan musuqmaasuqa iyo maamul xumada. Qofkii lagu helo musuq, tallaabo ayaan laga qaadi doonaa, mana jiridoono qof sharciga ka sareeyo".

Rajada Shacabka

Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda halbeegeedu uu yahay Karti iyo Hufnaan.

Wuxuun cadeeyay: "Waa inaan rajada shacabka ay u hayaan dowladda ka dhabeynaa, aanna tusnaa wax qabad dhab ah, si loo dhabeeyo kalsoonida ay shacabka u qabaan dowladooda".

Dhallinyarada iyo Dumarka

Wuxuu sheegay in dumarka iyo dhallinyarada ay yihiin dad muhiim u ah dib u dhiska dalka Soomaaliya.

"Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed u sheegayaa in waqtoigooda uu yimid. Waxaan ku boorinaayaa inay ka qeybqaataan dib u dhiska, dib u heshiisiinta, amniga iyo hormarinta dalka".

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ballan qaaday in dhallinyarada uu fursad siindoono, si ay uga qeybgalaan horumarka dalka.

Sidoo kale, mar uu ka hadlayay haweenka wuxuu sheegay inay kaalin mug leh ka qaateen arrimaha bulshada.

"Haweenka waxay laf dhabar u yihiin bulshada, waxayna kaalin lama ilaawaan ah uga jiraan badbaadinta iyo horumarka shacabkeena", ayuu yiri.

"Waxay mudan yihiin in kaalin mug leh ay ka qaataan hogaaanka iyo horumarinta wadankooda".

Ciidamada qaranka

Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ciidamada kaalin lama ilaawaan ah uga jiraan arrimaha dalka.

"Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada ammaanka oo si hagar la'aan ah, har iyo habeen ugu taagan difaaca dalka iyo dadkooda", ayuu sheegay.

"Waxay si naftii-hure ah ugu dhabar adeegeen xaalado aysan naga mudneyn".

Wuxuu ballan qaaday in ciidamada xuquuqdooda ay helidoonaan.

"Waxaan halkan ka cadeynayaa in aan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulidoona dhammaanteen, sidii ciidamad qaranku ay u heli lahaayeen xuquuqdooda si joogto ah, waajibaadkoodana ugu gudan lahaayeen si gobanimo leh oo dadka Soomaaliyeed weligood lagu yaqiinay". Ayuu tilmaamay Ra'iisul wasaare Kheyre.

Ugu danbeyntii, ra’iisal wasaaraha ayaa looga fadhiyaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhiso xukuumad aan la ogeyn tirada ay ka koobnaan doonto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]