4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Qarax khasaare dhimasho sababay oo goor dhaw ka dhacay degmada Dherkeenley

 Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) -Gaari uu lahaa nin nabad-Sugid ah balse uu watay qof shacab ah oo lagu soo xiray waxyaaba qarxa, ayaa ku qarxay degmadda Dharkenleey ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa Hiiraan Online u sheegay, in wiilkii shacabka ahaa ee waday gaariga uu ku geeryooday Qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qarax, iyadoo todobaadkan oo kaliya uu noqonayo qaraxan kii saddexaad oo ka dhaca degmada.

Shalay ayaa sidaan oo kale nin Ganacsada ah oo loogu xiray qarax gaarigiisa kula Qarxay degmadda Waaberi.

Ciidamadda Dowladda ayaa hadda wada baaritaan la xirira qaraxa.

Hassan Istiila

[email protected]