4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Madaxweynaha oo goor dhaw daah furay kalfadhigii koowaad ee baarlamaaanka

 Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow si rasmi ah u furay kalfadhigii koowaad ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn ku soo dhoweeyay Madaxweynaha in uu jeediyo khudbadiisa dastuuriga, si uu u furo kalfadhiga koowaad, waxaana uu xusay si Madaxweynuhu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ay tahay inuu furo kalfadhiyada Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay baarlamaanka Soomaaliya, sidii ay uga dhabeeyeen dareenka umadda Soomaaliyeed iyo is bedelkii ay hor-seedeen 8-dii bishii February, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed dibad baxyadii ay ku soo dhoweeyeen doorashadiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ilaalin doono ammaanadi loo dhiibay, isla markaana ka dhabeyn doono balamadii uu ka qaaday xilligii uu doorashada ku jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in barnaamijkiisa Nabad iyo Nolol uu saldhig u noqon doono La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Nabad diidka sida uu hadalka u dhigay.

“Labada cadaw ee dowladnimada ragaadiyay waa Al-Shabaab, iyo musuq maasuq, waa kuwa naga hor-taagan dowladnimada”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday xildhibaanada inay codka kalsoonida siiyaan ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabay Xasan Cali Kheyre, si uu u soo dhiso xukuumadd cusub.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]