4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Dufcadii ugu horeysay oo dhameysatay Taqasuska Qeynuunka & Shareecada ee Jaamacadda Banaadir


Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) - Waxaa shalay magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ballaaran oo ay ku qelin jebiyeen dufcadii ugu horeysay ee dhameysatay taqasuska shareecada iyo Qeynuunka ee qeybta waxbarashada sare ee Jaamacadda Banaadir (Master).

Arrintani ayaa ka dambeysay heshiis bilowgii sanadkii hore ay kala saxiixdeen Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa ee dalka Sudan kaasoo ku saabsanaa in labada Jaamacadood ay markii ugu horeysay iskaashi ka sameeyaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka.

Munaasabadan ayaa sidoo kale kulmisay xiritaanka seminaar afar cisho socday oo ku saabsana garsoorka toosan & sagootinta macalimiin ka yimid dalka Sudan oo ka tirsan Jaamacadda International University of Africa kuwaasoo muddo bil ah casharo taxane ka bixinayey taqasuska shareecada iyo Qaanuunka.

Ardayda dhameysatay taqasuskan oo gaarayey 92 ruux oo rag iyo dumarba leh ayaa waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir, Qareeno iyo garsoorayaal ka howgala Maxkamadaha dalka qaarkood.

Dr. Mohamed Xaaji oo ah xiriiriyaha barnaamijka waxbarashada sare ee labada Jaamacadood ayaa xafladaas ka sheegay in ardayda qelin jebisay ay nasiib u yeesheen iney ka faaideystaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka oo uu xusay inuu yahay markii ugu horeysay taariikhda ee dalka la keeno, wuxuuna xusay in dhowaan ay bilaaban doonto diiwaan gelinta dufcada labaad, isagoo ardayda qelin jebisay kula dardaarmay iney bulshadooda uga faaiideyaan aqoonta ay barteen.

Muusa Maxamed Cali (Qaanuuni) iyo Cumar Abuu Cubeyda Amiin oo ah macalimiinta ka yimid dalka Sudan ee ka socday Jaamacadda International University of Africa ayaa iyana ka waramay muhimada uu leeyahay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyagoo dhinaca kale ka mahad celiyey sida loo soo dhoweeyey mudada bisha ah ee ay dalka joogeen, waxayna ardayda qelin jebisay ugu baaqeen in aqoonta ay barteen ay ku dabaqaan howlaha ay umadda u hayaan si loo helo cadaalad lagu kalsoon yahay.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia, ahna madaxa qeybta waxbarashada sare ee Jaamacada Banaadir oo isna ka hadlay munaasabadan ayaa bogaadiyey ardayda qelin jebisay oo uu xusay iney barteen aqoon baahi weyn loo qabay oo dibeda loo aadi jiray, balse hadda loogu keenay dalkooda, isagoo u mahad celiyey Jaamacadda International University of Africa oo gacan weyn ka geysatay taaba gelinta Taqasuskan.

“Jaamacadda Banaadir waxay xaqiijisay hirgelinta taqasuska shareecada iyo Qaanuunka oo markii ugu horeysay dalka la keenay, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda International University of Africa ee dalka Sudan waana guul lagu farxo” ayuu yiri Prof. Cismaan Maxamuud Dufle.


Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna xafladaas ka hadlay ayaa hambalyeeyey ardayda baratay taqasuska shareecada iyo Qanuunka, wuxuuna u mahad celiyey macalimiintii ka socday Jaamacadda International University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda Banaadir.

“Labada Jaamacadood ee Banaadir iyo International University of Africa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer iyo iskaashi muddo badan soo jiray, waxaana rajeynaynaa mustaqbalka inuu sii xoogeysto” ayuu yiri Dr. Dalmar oo dhinaca kale xusay in la kordhin doono taqasusyada la xirira Qaanuunka iyos Shareecadda.

Dr. Dalmar ayaa intaa ku daray in heerka caddaalada iyo garsoorka dalka ay dhibaatooyin badan ka jiraan, loona baahan yahay ardayda dhameysatay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iney wax ka bedelaan marka ay ka howlgalaan Maxkamadaha dalka, ayna aqoonta sare ee ay barteen shaqadooda ku dabaqaan.

Waxaa sidoo kale xafladaas ka hadlay xubno ay ka mid yihiin Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca maamulka ee Jaamacadda Banaadir ahna hormuudka kuliyada shareecada iyo qaanuunka ee Jaamacada C/raxmaan Xasan Cumar oo ka waramay dedaalka labada Jaamacadood ku bixiyeen hirgelinta taqasuskan oo xusay in baahi weyn loo qabay.

Ugu dambeyn waxaa xafladaas shahadooyin lagu guddoonsiiyey ardayda dhameysatay taqasuska shareecada iyo Qeynuunka, sidoo kale maamulka Jaamacadda Banaadir ayaa hadiyo ka kooban qalabka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyed gudoonsiiyey macalimiinta ka socday Jaamacadda International University oo Africa ee dalka Sudan, kuwaasoo ay si weyn ugu farxeen, waxaana xafladaas ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.