4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2017
Qarax ay ku dhinteen 29 qof oo ka dhacay dalka Afghanistan

 
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Gobolka Helmand ee dalka Afgaanistaan, sida Police-ka ay sheegeen.

Gobolka Qaraxa uu ka dhacay ee Helmand waxaa uu ku yaalla koonfurta dalka Afghanistan, waxaana dadkii ku dhintay ay iskugu jireen askar iyo shaqaalle dowladeed oo u soo baxay bankiga New Kabul ee magaalladda caasimadda u ah gobolka ee Lashkargah.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka, Omar Zwak, ayaa sheegay in qaar ka mid ah kuwa dhaawacmay “ay ku sugan yihiin xaalad liidata”. Waxa uu intaas ku daray in shaqaale milatari iyo kuwo rayid ah ay ka mid yihiin dhibanayaasha.

Qaraxan dhimashada badan ayaa yimid maalmo un ka hor dabaal degga ciidda ee dalka Afghanistan oo la filayo inay ku beeganto axadda.

Kooxda Taalibaan ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarka, balse ma jirto war kasoo baxay kooxda. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia