4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2017
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo xilka ka qaaday wasiirkiisii Maaliyada

Talaado, June, 20, 2017 (HOL) -- Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosobole ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii maaliyada Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere]

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay wasiirka maaliyada Zakiriye Cabdi Xaraare oo horay u ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa saacadihii la soo dhaafay la hadal hayay in uu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirada, hasse ahaatee ugu dambeyn xafiiska Madaxweynaha waxaa ka soo baxday oo kaliya xil ka qaadista wasiirkii Maaliyadda iyo Wasiir cusub oo loo magacaabay wasaaraddaas.

Madaxweye Cosoble ayaa inta badan fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, taasoo marar badan ay dood adag ka keeneen xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa Jimcihii dib ugu laabtay magaalada Jowhar, kaddib khilaaf soo kala dhaxgallay xildhibaannada baarlamaanka maamulka oo mooshin ka shaqo ka fariisin ah ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka, laakiin markii danbe xildhibaannadu sheegeen in ay dib uga laabteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]