Faah faahin : Weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday xarunta degmada Wadajir
Talaado, June, 20, 2017 (HOL) -- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya
weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday xarunta degmada
Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana
wararka hor dhaca ah ee soo baxaya sheegayaan in uu halkaa ka dhashay khasaare
ballaaran isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la
sheegay in lagu dhuftay ilinka hore ee xarunta degmada.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen meydadka ilaa 10 ruux oo isugu jira
askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa, walina waxaa isa soo taraya khasaaraha ka
dhashay weerarka.
Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada ama dowladda oo ka
hadashay Qaraxan oo dhacay Abaare 1:00 duhurnimo ee maanta.
Xarunta degmada ee la bartilmaameedsaday ayaa ku dhaw suuqa ugu weyn degmada
Wadajir, oo waqtiga uu qaraxa dhacay dadku siweyn uga tukaameysanayeen.
Wixii warar ah ee kale waan idin soo gudbin doonnaa…
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]