4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 19, 2017
Wasiirka amniga oo Afur u sameeyay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dalka

 

Isniin, June, 19, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaaradda amniga gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa afur u sameeyay Xildhibaano ka tirsan Labada  Aqal ee dalka.

Kulanka Afurka ayaa la isku weydaarsaday talooyin iyo fikrado la xiriiray howlaha amniga dalka iyo arrimo kala duwan oo dalka ah, iyadoo wasiirka uga warbixiyay qorshayaasha Xukuumadda uga degsan arrimaha amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in xukuumadda ay wado dadaalo ay ku sugeyso amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, waxaana uu u sharaxay xildhibaanada qaabka uu u socdo howl-galada xasilinta Caasimada.

Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Senatarada ayaa ka mahad celiyay Afurka uu u sameeyay wasiirka Amniga Gudaha, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay kulamada oo kale in la isku weydaarsado wixii talo iyo tusaale ah.

 

Kulankan uu la qaatay Wasiirka Xildhibaano ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan uu Wasiirku soo saaray amar lagu farayo Xildhibaanada iyo Wasiirada Xukuumadda inay muddo 14 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda iyo hubka ay wataan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]