4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 19, 2017
Dowladda Britian oo £60 million ugu deeqday Soomaaliya

 

Isniin, June., 19, 2017 (HOL) - Dowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday bixinta £60 million oo wax looga qabanayo xaalada bani’aadanimo ee jirta dalka Soomaaliya.

Xog’hayaha hormarinta caalamiga ah ee ee Britain Mr Priti Patel ayaa uga dhawaaqday deeqday lacageed magaalada Muqdisho kaddib kulan ay la yeelatay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Sidoo kale Mr Patel kulan ay ula yeelatay magaalada Muqdisho saraakiisha hay’addaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya ayeey ka sheegtay in UK ka go’an tahay wax ka qabashada xaalada bani’aadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Mr Priti Patel ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in dhaqaalaha xoogan oo ay ku deeqday Britain loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, iyada oo laga foojignaanayo musuq-maasuq.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]