4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 19, 2017
Kulan Afur ah oo Magaalada Atlanta ay ku wada yeesheen Muslimiinta iyo dadka aanan Islaamka aheyn ee Gobolkaan dagan (Sawirro)

Isniin, June, 19, 2017 (HOL) - Kulankaan oo ay iskugu yimaadeen Muslimiin tiro badan oo ka kala socday qoymiyado kala duwan iyo waliba dadka aanan Muslimka aheyn ee degan gobolkaan, ayaa xalay ka dhacay magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia.

Kulaan afurka ah oo uu soo qaban-qaabiyay Dhaqatar Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeedo wadanka Suuriya, ayaa waxaa lagu casuumay dad fara badan oo aanan wax badan ka aqoonin Diinta Islaamka, balse qaarkood sheegay iney xalay fursad u heleen iney la qaataan Cunooyin dad Muslimiin ah oo Soomaan muddo 16 saacadood ka badan.

Heval Mohamed Kelli oo ah dhaqtarka soo qaban-qaabiyay Kulankaan, ayaa ku sheegay Hadafka ay afurkaan ka lahaayeen iney aheyd, isku keenida Dadka haysto Diimaha iyo Dhaqamada kala duwan.

“Hadafkeennu waxa uu ahaa inaan isku keeno dadka Diimaha iyo Dhaqamada kala duwan si ay u wadaaggaan cuntadda, waxna oga bartaan Ramadaanka iyo Islaam-ka iyo in la muujiyo midnimo iyo nabad kuwada noolaanshaha dadyowga kala duwan”, ayuu yiri Dr Heval Kelli oo soo agaasimay Afurkaas.

Inta uu kulanku socday, ayaa waxaa la gaaray xilligii afurka. Waxaana goobta lagu Adimay Salaada Maqribka, iyadoo halkaasna ay ku afureen Muslimiintii Soomanaa, isla markaasna ay ku tukadeen Salaadii Maqrib.

Qaar kamid ah dadka aanan Muslimka aheyn, ayaa la arkaayay iyagoo su’aallo ku saabsan Salaada iyo Ramadaanka weydiinaayay dadkii casuumay.

Dhanka kale Madasha Afurka aheyd oo ka dhacday Makhaayad lagu magacaabo Refuge Coffee oo ku taallo Xaafadda Clarkston ee degmada DeKalb ee Magaalada Atlanta, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Jaalliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Georgia Eng. Cumar Shiiqeey iyo Hussein Mohamed oo ah Aas-aasaha iyo Agaasimaha Radio Sagal iyo waliba qaar kamid ah Soomaalida dagan gobolkaan.

Ugu danbeyn, labaatankii sano ee la soo dhaafay, ayaa dowladda Mareykanka waxey Casho Afur ah ku qabaneysay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo, kaasoo sannad kasto marka Ramadaanka la gaaro uu Madaxweynaha Mareykanka iyo Marwada Koowaad ay ugula dabaal-degayeen dadka Muslimiinta ah Bisha Barakeysan ee Ramadaan, laakin sannadkaan ayaa  la sheegay in Maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump uusan wali qabanin afurkaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Atlanta, Georgia – Mareykanka