Sheeko Yaab Leh : Libaax dhedig ah oo xannaaneysa Harimacad
Jimco, July, 14, 2017 (HOL) - Waa sheeko la
Yaab leh iyo sawir qurux badan oo laga qaaday Libaax Dhedig ah oo xannaaneyneysa Harimacad Yar oo waliba la arkayay isaga oo Jaqaya ama [Nuugaya] Libaaxa Dhediga
ah.
Harimacadka Yar ma badali karo haraggiisa wax
badan ka muuqaal duwan kan Libaaxa, laakiin haddana dhinaca kale marka aad eegto Libaaxa
Dhediga ah arintan wax culus ah kuma qabo, madaama uu raali ku yahay in ay
sidaa ku wada joogaan.
Arintan cajiibka ah waxaa idhiisa ku arkay Joop Van Der Linde, oo marti ku
ahaa Hotel Ndutu Safari Lodge oo ku yaal deegaanka Ngorongoro. Goobtu waa
Serengeti; hooyada feejigan [Liibaaxa dhediga ah waa shan jir laguna magacaabo
Nosikitok.
Goosha iyo sadex yar yar oo ay dhashay waxaa ku xiran qalabka lagula socdo
dhaqdhaqaaqa ee GPS kaasi oo uu ku ilaaliyo, ururka Kope Lion oo ah urur
samafal oo daryeela duurjoogta.
Dr Luke Hunter, oo ah madaxa iyo hogaamiyaha ururka Panthera, oo ah urur
caalami ah oo daryeela Liibaxyada duurjoogta ah isla markaan taageera ururka
Kop Lion wuxuu u sheegay BBC in dhacddadan tahay mid dhab ahaantii aan horay
loo arag.
"Ma aha wax la arkay ama horay u dhacay oo dhexmaray Liibaaxyo, waynu
ogayn in ay dhacdo jiritaanka in goosha Liibaaxu ay koriso qaar aannay dhalin,
laakiin tani waa mid aan horey loo arag"
"Inta badan Liibaax dhediga ah, caadiyan aragti bay ku dili lahayd
haramcad yar haddii ay hesho, iyadoo u arkaysa dilaa kale oo tartan ugula jira
cunto" ayuu yiri Dr Hunter.
Inta badan sheekooyinka dhifta iyo naadirka ah ee ka dhaca dunida ayaa u
muuqda kuwo u baahan in cashar laga qaato ah in marka kasta is dilka iyo weerarka
uusan aheyn mid furan.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]