4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2017
Cabdiwali Gaas : Waxaa jira ganacsato Al-shabaab lacago u dira

 

Jimco, July, 14, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay ka war hayaan qaar ka mid ah ganacsatada Puntland oo lacago u dira sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab.

Isaga oo ka hadlayay khilaafka dhinaca canshuurta ah ee ka taagan magaalada Boosaas ayuu sheegay in wax lala yaabo tahay in ganacsatada Puntland diidaan bixinta canshuurta oo ah mid sharci ah oo ay ansixiyeen golayaasha dowladda.

‘’Waxaan ognahay ganacsato reer Puntland oo dhaqaale u dira Al-shabaab iyaga oo waliba adeegsanaya Telleefoonnada gacanta, sababta ay sidaa u sameynayaanna waa baqdin ay ka qabaan Al-shabaab’’ ayuu yiri Cabdwali Gaas.

Shacabka ayuu ku booriyay in ay bixiyaan canshuurta oo ah ayuu yiri mid laga qaado xitaa ciidamada difaaca ku jira ee la dagaalamaya wax uu ugu yeeray kooxaha cadawgga.

‘’ Askariga bishii qaadanaya $ 70 dollar ayaa canshuurta laga jaraa, marka qof ganacsade ah ayaa diidaya in uu bixiyo, arintaa ma’aha wax dhici kara, amniga in la suggo waxaa ka horeeya in dadku ay bixiyaan canshuurta ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Magaalada Boosaaso ayuu sheegay in ay ka socdaan mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha Jidad muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka, isaga oo sheegay in mashaarciidaa sii socon karin haddii aan maamulka leys bar bartaagin.

Waayadii ugu danbeeyayba magaalada Boosaaso waxaa ka jiray khilaaf ka dhashay canshuur lagu soo rogay ganacsatada taasoo sababtay in uu istaago ganacsigii magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]