Askar Israa’iil ah oo lagu dilay goob lagu cibaadeysto oo aan ka fogeyn Qudus
Jimco, July, 14, 2017 (HOL) - Laba askari oo ka
tirsan booliska Israa'iil ayaa la dilay, mid seddexaadna waa la dhaawacay, ka
dib toogasho ka dhacday meel u dhow goob lagu cibaadaysto oo ku taalla Quddus.
Waxaa la sheegay in ay toogteen 3 qof oo carabta Israa'iil ah meel u dhow
machad ay Yuhuuddu u yaqaannaan Temple mount, muslinkuna u yaqaanaan
Xaramal-Shariif.
Booliska ayaa eryaday qolyihii weerarka gaystay oo ka daba galay gudaha
xaruntaas, halkaasoo ay toogasho ku dileen.
Waxaa jiray mowjado isugu jiray weerarro lagu qaaday middiyo, rasaas, iyo
gawaari dad Israa'iiliyiin ah la jiirsiiyey kuwaasoo badankood ay gaysteen
Falastiiniyiin iyo carab Israa'iiliyiin ah tan iyo 2015kii.
Lab ka mid ah qolyo weerarro dhawaa qaaday ayaa u dhashay Urdun.
Booliska ayaa sheegay in 3da nin ee qaaday weerarka Jimcihii ay da'doodu u
dhaxaysay 19 iyo 29 sano.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa weerarkaas cambaareeyey
mar uu telefoonka kula hadlay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]