4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo dib ugu laabtay magaalada Hargeysa Sawirro


Jimco, July, 14, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Max’uud Siilaanyo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa, kaddib dhowr todobaad oo uu dalka dibadda uga maqnaa.

Dib ugu noqoshada Hargeysa ee madaxweyne Siilaanyo ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyayba ay soo baxayeen warar shaki galinayay xaalada caafimaad ee madaxweynaha, inkastoo madaxtooyada Soomaaliland wararka si is daba joog ah u beenisay.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray Qasriga madaxtooyada Salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliland, kaddibna waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweyne ku sii sugnaa xarunta madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa safar ugu maqnaa dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta oo xiriir dhaw la leh Soomaaliland, waxaana safarkiisii Imaaraadka lagu sheegay in uu ahaa mid qaas ah oo aan quseyn arimo siyaasadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]