4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2017
DAAWO: Khudbad uu Raysul wasaare Khayre ka jeediyay magaalada Kismaayo

Jimco, July, 14, 2017 (HOL) – Raysul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shalay gelinkii danbe magaalada Kismaayo kulan kula qaatay ururrada bulshada rayidka ah ee ka dhisan Kismaayo.

Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Jubaland oo ku mideysan dallada daneeyeyaasha aan dowliga ahayn ee (JUNSAA) ayaa raysul wasaaraha ku bogaadiyay howlaha baaxadda leh ee ay heeyso xukuumadda uu hogaamiyo, ayagoo ku dhiirigeliyay in uu sii laba jibaaro dadaalkiisa.

Afhayeenka salaadiinta Jubaland Ugaas Cumar Xiireey oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaallada ay wado dowladda Soomaaliya, isagoo si gaar ah ugu amaanay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Max'ed C/laahi Farmaajo iyo raysul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre.

Marwo Batraan Muxumed C/dulle, Gudoomiyaha ururka haweenka Jubaland ayaa sheegtay in ka ururro bulsho rayid ahaan ay soo dhaweeynayaan sida dowladda Soomaaliya ay uga go'antahay in Soomaaliya ay dib usoo ceshato qaranimadii iyo sharaftii ay lahayd, waxay sheegtay in ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii dalka loo nabadeyn lahaa.

Madaxweynaha dowald goboleedka Jubalan dayaa dhankiisa madasha ka jeediyay khudbad dheer, isagoo shacabka Soomaaliya ugu baaqay in ay dowladda la shaqeeyaan, una istaagaan sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dadaallada ay wado dowladda.

Raysul wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa gabagabadii madasha ka jeediyay khudbad dheer, isagoo ugu horeyn ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Kismaayo, wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay nabaddu leedahay iyo waxyaalaha laga doonayo bulshada Soomaaliyeed si dalku u gaaro horumar iyo xasilooni waarta.

Halkan ka daawo Khubaddii Raysul wasaaraha dalka.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.