4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo sheegay in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya xukuumadda iyo baarlamaanka

 

Jimco, July, 14, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo sheegay in uusan jirin khilaaf waqtiga ku dhaxeey xukuumada iyo baarlamaanka federaalka.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo khubad ka jeedinayay kulan magaalada Kismaayo uu kula yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa sheegay in wada shaqeyn wanaagsan u dhaxeyso Hey’addaha dowladda.

“Ma jiro xiligan wax khilaaf ah oo u dhaxeeya hey’addaha dowladda, waxaa joognaa waqtigii ugu wanaagsanaa ee wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa xili dhawaan ay soo baxeen warar sheegayay in guddiga joogtada ah ee baarlamaanka su’aalo ka weydiiyeen xiisada ka dhalatay hadal uu jeediyay Sheekh Nuur Baaruud oo ay xildhibaannada qaar u fasirteen in uu ahaa mid bulshada lagu kicinayo khatarna ku ah amniga xildhibaannada.

Kulamada ugu soo horeeya ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ajnayaasha looga dooddi doono qeyb ka tahay arinta la xisaabtanka xukuumada taasoo dad badan ay shaki ka muujinayaan in laga keeno mooshin ka dhan ah Xukuumadda Kheyre.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]