4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2017
Tillerson oo dib ugu soo laabtay Khaliijka

 

Jimco, July, 14, 2017 (HOL) – Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Rex Tillerson ayaa ka tagay Khamiistii dalka Qatar, kadib maalmo uu kulamo gooni gooni ah kula soo yeeshay Bariga Dhexe dalalka Khaliijka ee ay uu khilaafku ka dhaxeeyo.

Tillerson ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo su'aalooyin la weydiyey kaddib marki uu soo dhamaaday kulankiisii ugu danbeeyey ee uu la yeeshay amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, ka hor inta uusun usoo duulin magaalan Washington.

Xog-hayaha arrimaha dibada Mareykanka, ka hor inta uusan la hadlan amiirka Qatar, wuxuu Arbacadi magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga kula soo kulmay diblamaasiyiin ka socoda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar.

Socdaalkiisa afarta maalmood qaatay ee uu ku tagay dalalka Khaliijka Rex Tillerson ayaa loo arkaa inuu kala soo laabtay rajo aanan badneyn ooo dhinaca diblamaasiyadda ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]