4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2017
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in maanta la bilaabayo cilidbixinta Fiilada Internetka Fiber Optic

 

Jimco, July, 14, 2017 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maanta oo Jimco ah la bilaabayo sameynta Internet-kii Fibre Optic ee todobaadyo ka hor ka go’ay gobolada Koofureed ee Soomaaliya, kaddib markii Markabkii sameyn lahaa uu soo gaaray Dekedda Muqdisho.

Agaasimaha wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in saaka 8-da subaxnimo la bilaabi doono qiimeynta halkii uu ka go’ay Internet-ka ee Badda gunteeda.

Waxaa uu sheegay in markabka sameyn lahaa oo maalmo ka hor ka soo dhaqaaqay dalka Cummaan uu maalmaha soo socda sameyn doono Internet-ka

“Markabkii sameyn lahaa Dekeda ayuu ku xiran yahay, saakay ayuu aadayaa, halkii uu ka go’ay xargihii Internet-ka, waxaana uu bilaabi doonaa qiimeyn, kaddib ayuu guda galayaa sameyntii Internet-ka”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Wasiirka wasaaarrada Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Egn Cabdi Canshuur ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay in maalinta Axada ah la filayo in si rasmi ah loo howlgaliyo Interenetka, isaga oo intaa ku darray in wixii hadda ka danbeeyay lala xisaabtami doono shirkaddaha isgaarsiinta si aysan u soo noqon arintan oo kale.

Maqnaashaha Internet-ka ayaa saameyn ku yeeshay adeegyadii bulshada, sida xawaaladaha, waxbarashada iyo shirkadihii duulimaadka ee Tikidhada ku bixiya qaabka Online iyo ganacsiyo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]