4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2017
Rwanda oo lagu eedeynayo in ay dishay dad aan danbiyo culus galin

 

Jimco, July, 14, 2017 (HOL) – Dadkan lagu eedeynayo dowladda Rwanda in ay dishay waxaa ka mid ah sida ay sheegtay hay’adda Human Rights Watch qof xaday Moos, waxaana la sheegay in dadka dhintay ay ka badan yihii 37 ruux.

Dadka la dilay ayaa qaar kale lagu soo eedeeyay in ay dalka si sharci darro ah u soo galiyeen daroogada Marijuana iyadoo qaar kalana ay adeegsadeen shabaqyada wax lagu dabto oo sharci darro ah.

Hay’adda xuquuqda ee Human Rights Watch waxay sheegtay in dilalkaasi ay dhaceen intii u dhaxaysay bishii Juunyo ee sannadkii 2016kii ilaa bishii Maarso ee sannadkan 2017ka, arrintaasna ayna ka dhacday galbeedka Rwanda.

Hay’addu sidoo kale waxaa ay rumeysan tahay in arrintani ay qayb ka tahay istaraatiijiyad rasmi ah oo ay dawladdu ku doonayso “in ay ku faafiso cabsi, kuna dhaqan galiso awaamiir, kagana hortagto in laga hor yimaado go’aamadeeda iyo siyaasadaheeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]