4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2017
Dad Kenyaan ah oo laga afduubtay deegaanka Lamu ee gobolka Waqooyi Bari

 

Jimco, July, 14, 2017 (HOL) - Kooxo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ay galinkii danbe ee shalay ka qafaashay deegaanka Laamu ee dalka Kenya Lix oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sar sare oo Kenyaan ah.

Taliyaha Guud ee ciidamada booliiska gobolka xeebta dalka Kenya James Akoru ayaa dhacdadaan u xaqiijiyay warbaahinta, wuxuuna sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa adeega gaarka ah ee loo yaqaan GSU-da ay ku raad joogaan kooxdaasi afduubka geysatay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid gaar ah lagu tilmaamay in ay afduubkan ka danbeeyeen, hasse ahaatee waayadii ugu danbeeyayba waxaa jira weeraro is daba joog ah oo Al-shabaab ay ka geysanayeen deegaannada dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Saraakiishan la sheegay in la afduubtay ayaa markii hore tagay dekada Lamu halkaasoo ay kulan ku qaateen ka hor inta aysan u socdaalin deegaanka Witu.

Afduubkan ayaa imaanaya saacado kaddib markii shalay isku duwaha dhinaca ammaanka ee gobolka xeebta dalka Kenya Mr. Nelson Marwa uu u duulay ismaamulka Lamu halkaasi oo kulan looga hadlayo ammaanka kula qaatay saraakiisha amniga gobolka xeebta dalka kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa todobaadkan waxaa ay sheegtay weerar dhinaca cirka ah in ay ka bilowday Ismaamul goboleedka Lamu.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]