4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2017
Wasiirka Warfaafinta oo beeniyey in lacag $40,000 loo qoray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Khamiis, July 13, 2017 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa beeniyey warar sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay golaha wasiirada u ansixiyeen lacag dhan $40,0000 bishiiba uu u qaadandoono pension ahaan ama howl-gab.

Wasiir Yariisow oo u waramiyey HOL isaga oo ku sugan magaalada Kismayo ayaa ku tilmaamay in arrintaas aysan waxba ka jirn. "Golaha Wasiirada waxay ogolaadeen in howl-gab (pension) ahaan la siiyo 70% mushaarkii uu madaxweynaha horay u qaadan-jiray iyo qarashaadka kale oo la xiriira laakin $40,000 oo dollar waa qarash aad u badan" ayuu yiri Wasiir Eng. Yariisow.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan ayaa hadda ku sugan magaalada Dar-es-salaam ee dalka Tanzania, deegaan kalena ku leh dalka Turkiga ayaa la filyaa in uu soo gaaro magaalada Moqdisho.